Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Oo La Hakiyey

0

Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegtay in shaqadii Guddiga ee socotay la hakiyey cabsi laga qabo faafidda cudurka Coronavirus oo walwal badan ku haayo caalamka oo dhan.

Guddiga-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta Xeerarka dhamaystirka sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa dhawaan kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha gudaha, Dib-u-heshiinta iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaasi oo looga hadlayay diyaarinta xeerarka dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.