DHAGEYSO:-40 Soomaali ah Oo Cudurka COVID-19 Uu Ku Dilay Yurub

0

Xanuunka COVID-19 ee uu dhaliyo Coronavirus ayaa faro ba’an ku haya qaar ka tirsan Soomaalida qurbaha, gaar ahaan kuwa ku nool Yurub, oo aad cudurka uu u dilayo.

Dalalka Sweden iyo Britain oo kaliya waxaa xanuunkan ugu geeriyooday dad 40 qof ku dhow oo Soomaali ah iyada oo ay tobannaan kalena la jiifaan.

Sababta ugu weyn ee kiisaskan cudurkan ku badiyey ayaa lagu sheegay in inta badan ay Soomaalida wada degan yihiin ama ay isugu tegaan xaafadaha.