Akhriso:-Isgaarsiinta degmada Luuq oo hawada ka maqan

0

Warar na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay gebi ahaanba hawada ka maqan tahay Isgaarsiinta degmada Luuq iyo deegaanno kale oo hoos yimaada degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa kale  ay sheegayaan in maanta ay halkaasi ku sii qulqulayaan ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo kale oo ka tirsan ciidamada dawlada Soomaaliya, kuwaas oo wata gaadiid fara badan oo ay ku Astaysan tahay astaanta ciidamada hawlgalka AMISOM.

Ciimadan ayaa waxaa la sheegay in  ay ka soo baxeen Mooyaale oo dhaca xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la sheegay in  ujeedkoodu uu yahay in ay gacanmta ku soo dhigaan magaalo madaxda  gobolka Jubbada dhexe ee Bu’aale.