AKHRISO:- Puntland oo dad ay karantiishey ku wareejisey Galmudug

0

Guddiga ka hortagga faafitaanka Cudurka Coronavirus ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in dad laga shakiyey balse la karantiiley ay ku wareejiyeen Maamulka Galmudug.

Dadkaan oo gaaraya 7 Ruux ayaa Guddiga waxaa ay sheegeen inay kasoo gudbeen dhinaca Soomaaliland,kuwaas oo ay ku karantiileen Magaalada Garoowe,sidoo kalena ay sheegeen inay haayaan Saddex ruux oo la sugayo inay dhameystaan mudada huuriska oo dhan 14 Maalmood.

Guddiga ayaa horey ugu dhawaaqey in deegaannada Puntland aan weli laga helin kiisas la xiriira Coronavirus, si la mid ah asyan weli jirin wax kiis cusub ah oo la diiwaangaliyay.

Ugu dambeyn Shacabka ku nool deegaannada Puntland ayaa lagu dhiirigaliyay iney u hoggaan-samaan awaamiirta xukuumadda ee lagu doonayo in looga hortago COVID 19.