Taliska CXDS oo sheegay in ay kahor tageen qaraxyo Al-Shabaab ay u qorsheeyeen Janaale

0

War kasoo baxay Taliska Militariga Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ee ku sugan Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay kahor tageen qaraxyo Al-Shabaab ay u qorsheeyeen askarta ku sugan deegaankaas.

Taliska Xoogga ayaa sheegay in Al-Shabaab Qaraxyadaas ay ku xireen labo Neef oo la’ ah, waxaana ay tilmaameen in ay fashiliyeen ciidamada militariga Dowladda Soomaaliya ee Janaale ku sugan.

Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ku sugan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo katirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya oo halkaa u tagay abaabulka dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Maalmo kahor Saraakiisha Ciidamada Dowladda waxa ay sheegeen in kahor tageen weerar Al-Shabaab ay la damacsanaayeen Askarta Militariga ah ee deegaanka Janaale gacanta ku haaya.

Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka iyo saraakiil kale oo hoggaamineysay howlgalka Janaale ay ku qabsadeen Ciidamada waxa ay sheegeen in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay qorsheynayan gacan ku dhigista deegaanno kale.