Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Dalka Nuur Cadde Oo Geeriyooday

0

War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingariiska uu Maanta ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde.

Nuur Cadde ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu la xanuusanaa oo ku dhacay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka, isla markaana ay ku geeriyoodeen kumanaan ruux oo ay ku jiraan Soomaali.

Geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa oo la hadlay warbaahinta.

Allaha u naxariistee Nuur Cadde ayaa waxaa ku geeriyooday Isbitaal lagu magacaabo Kings College oo ku yaalla Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska oo uu maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa Cudurka Coronavirus waxaa ay ugu geeriyoodeen dalal ku yaalla Yurub, waxaana kamid ah Ingiriiska iyo dalka Sweden, iyadoona ay xusid mudan tahay in dad Soomaali ah oo kunool Yurub uu soo ritay Cudurkaas.