DHAGEYSO:-Gudoomiyahii Gobolka Hiiraan oo kasoo Horjeestay Xilka Qaadis Lagu Sameeyey

0

Cali Maxamed Caraale oo warbaahinta kula hadlay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maalintii shalay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Jeyte Cismaan.

Gudoomiyaha ayaa xil ka qaadista lagu sameeyay ku tilmaamay mid sharci darro ah isaga oo ku eedeeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle in uu wareegtadan ugu marmarsiyoonayo sida uu hadalka fashilkiisii siyaasadeed iyo hogaamintiisa xun ee Hirsabeelle sida uu hadalka u dhigay.