Wasiir Oomaar oo ka hadlay Diyaaradaha Imaaraatka ee Hargeysa ka dega

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ka hadlay Diyaaraha Imaaraatka Carabta laga leeyahay ee ka dega Garoonka Diyaaraha Cigaal Airport ee Magaalada Hargeysa.

Wasiir Oomaar ayaa ugu baaqay Shirkadaha Duullimaadyada ka sameynaya Hargeysa iyaga oo og Xayiraadda dalka loo saaray kahor tagga Caabuqa Coronavirus in ay u dhega nuglaadaan hirgelinta DFS.

Waxa uu sheegay in marmar Duullimaadyada loo fasaxo Shirkado la og yahay sababta duullimaadkooda, waxaana uu ka digay in la iska indho-tiro go’aamada Dowladda Soomaaliya oo la socoto dhaqdhaqaaqa duullimaadyada Hawada Dalka.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay muddo joojisay duullimaadyada Caalamiga ah sabab la xiriirka kahor tagga Covid-19, kaliya waxaa fasaxan Diyaaradaha gargaarka oo iyaga qudhooda la og yahay, iyada oo aan wax la siyaasadeen go’aankaan waa mid kahor tag caafimaad ah” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Magaalada Hargeysa waxaa ka dega Diyaaro laga leeyahay Isu tagga Imaaraatka Carabta oo aan wanaagsaneen xiriirka kala dhaxeeya DFS, waxaana kamid ah Fly Dubai oo caga dhigata Cigaal Airport.

Dhanka waxa uu Wasiirka Gaadiidka iyo Duullista Hawada Soomaaliya uu u digay Ganacsato la sheegay in Doomo ay qaadka ku keenaan Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in Sharciga loo bandhigi doono cid waliba oo lagu qabto in si qarsoodi ah ay dalka usoo gelinayaan Qaadka iyada oo dhanka Xeebta adeegsanaya.