Shir Looga Hadlayo COVID-19 Oo DFS Iyo M/Goboleedyada Uga Furmay Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka furay Shir u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira gaar ahaan Wasaaraddaha Caafimaadka.

Shirkaan oo ah midkii ugu horreeyay oo ay wadajir u qabtaan Wasaaraddaha Caafimaadka dowladda iyo Maamul Goboleedyada ayaa waxaa looga hadlayaa u diyaar garoow Soomaaliya ee ka hortega Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Sidoo kale Shirkaan oo socon doono muddo laba maalmood ah ayaa waxaa Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa waxaa ay diira ku saari doonaan inta uu socdo sidii si wadajir ah la isaga kaashan lahaa Coronavirus oo haatan kusii faafiya dalal badan oo ku yaalla dunida.

Waxaa Shirka lagu lagu sharaxay in aan la siyaasadeyn Adeega Caafimaadka dalka maamaa Cudurka Coronavirus uu si aad ah ugu faafay Caalamka, isla markaana ay u geeriyoodeen in badan 10,000 oo ruux, halka kumanaan kalena uu soo riay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada dalka ayaa wada dadaado looga hortego faafida Cudurka, waxaana dhammaan la xiray Goobaha Waxbarashada iyo goobaha kale ee la isugu yimaado, iyadoo la joojiyay duulimaadyadii Caalamiga ahaa.

Xalay ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa laga soo dajiyay qalabka lagu baaro Cudurka COVID-19, kaasi oo ka yimid dalka Shiinaha, isla markaana loo qeybiyay inta badan dalalka Afrika.