Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Waxaa jira faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo uu ka dambeeyay qof isku soo xira waxyaalaha qarxa.

Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhacay maqaayad ku taala meel u dhow Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in qaraxan uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhacay maqaayad ay badanaa ka cunteeyeen ciidamo iyo shaqaalaha dowlada federalka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada balse waxaa la sheegayaa in qaraxan ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaartay ciidamo Boolis ah sidoo kale waxaa ku dhintey haweeney la sheegay inay lahayd maqaayada qaraxa uu ka dhacay.

laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay meel u dhow Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.