Ciidanka Liyuu Boolis Oo Dil Ka Geystay Gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Liyuu Boolis ay dil ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan oo ka soo tallaabay xadka dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay ruux shacab ahaa ku dileen deegaanka Xuday-Woogle oo qiyaastii 35 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne ee caasimadda gobolkaasi.

Marxuumka oo sidoo kale beeraley ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Sheekh Doon Cilmi Ciyow, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka kadib uu iska hor imaad dhex-maray ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya iyo dadka deegaanka oo si weyn uga carooday falka dilka ah ee loo geystay marxuumkaasi.

Inta badan ciidamada Liyuu Boolis ayaa dhibaatooyin kala duwan ka geysta xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhanka gobolka Hiiraan.