“Al-Shabaab waxa ay qorsheynayaan Weerar ka halis badan 11 September 2001-dii” New York Times

0

Qoraal dheer oo lagu daabacay Wargeyska New York Times ee kasoo baxa Mareykanka ayaa lagu soo bandhigay Khatarta Al-Shabaab ee Mareykanka iyo danihiisa Bariga Afrika.

Wargeyska ayaa sheegay in Al-Shabaab ay halis cusub oo aan horey loo arag ku tahay danaha Mareykanka, iyaga oo qorsheynaya weerar dhibaato ku noqdo dalkaas oo ka daran kii Al-Qaacida ay ku burburiyeen Daarihii Mataanaha ahaa ee New York iyo Washingtong 11-kii September sanadkii 2001-dii.

New York Times ayaa sheegay in weerarkaas Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay u adeegsanayaan Diyaarado, waxaana dhawaan gacanta lagu dhigay labo xubnood oo katirsan oo Philippine iyo dalal Afrika ah oo aan la shaacin ku baranayay sida loo duuliyo diyaaradaha.

Saraakiil sirdoon oo uu soo xigtay Wargeyska New York Times waxa ay u sheegeen in xubnaha la qabtay ay qorsheynayeen weeraro diyaarado la afduubto loo adeegsado, si loogu dhibaateeyo Mareykanka iyo danihiisa Afrika.

Bishii July sanadkii tagay 2019-kii Qofka lagu xiray Philippine waxaa la sheegay in uu ahaa xubin katirsan Al-Shabaab, kana soo jeeda Kenya, waxa uuna dhiganayay dugsi lagu barto duullimaadyada diyaaradaha.

Warbixin ay soo saareen Booliska Philippine waxa ay ku sheegeen in Cholo Abdi Abdullahi la ogaaday in uu internet-ka ka raadinayey arrimo ay ka mid yihiin sida loo afduubto diyaaradaha iyo sida loo helo Dukumiintiyo been abuur ah.

Labada ruux ee xiliyada kala duwan la kala qabtay waxa ay saraakiisha Mareykanka dib u xusuusisay dhacdadii 11-kii September sanadkii 2001-dii oo ay ku nafwaayeen  2,996 qof, halka ay ku dhaawacmeen 25,000 kale.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabab ay isku dayeyso in ay hesho gantaallada lidka diyaaradaha oo Shiinaha uu sameeyey si ay ula beegsadaan diyaardaha qumaatiga u kaca iyo kuwa kale Mareykanka ee Soomaaliya ka howlgala.

“Al-Shabaab waxa ay halis dhab ah ku tahay Soomaaliya, gobolka, beesha caalamka iyo xitaa dalka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa AFRICOM, Jeneral Stephen J. Townsend.

Taliyaha ayaa dhawaan Wareysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in Al-Shabaab had iyo jeer ay ku haminayaan in ay dilaan muwaadiniinta Mareykanka ama in ay weerar ka geystaan dalkaas, waxaana taasi uu ku sifeeyay in Xukuumadda Washington uu ku dhashay go’aanka kordhinta duqeynta Soomaaliya.

Sirdoonka Mareykanka iyo Reer Galbeedka ayaa walaac ka muujiyey in Al-Shabaab ay halis gelinayaan 3,500 Shaqaale oo katirsan waaxda difaaca Mareykanka oo kala jooga Jabuuti iyo sidoo kale maraakiibta ku safarta marinka Baab Al-Mandab.

Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon waxa ay dhankeeda waddaa qorshe ay kaga baaraan degeyso kahor tagga qorshaha weerarada Al-Shabaab ay ku bartilmaameedsanayaan Mareykanka iyo danihiisa Bariga Afrika.

Mid ka mid ah halisaha muuqda ayaa ah in Al-Shabaab ay adeegsato qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ee kunool Mareykanka gaar ahaan Magaalooyinka Minneapolis iyo Columbus oo ay kusoo jiidanayaan dagaalka ay wadaan.

Tallaabada kale ayaa noqon karta in duuliyayaasha ay Al-Shabaab tababareyso ee Bariga Africa ay qaarkood ay geli karaan Mareykanka, wayna ka adkaan kartaa arrintaan marka lala barbar dhigo weeraradii Al-Qaacida ee New York iyo Washington.

Mareykanka waxaa wali maskaxdiisa ka guuxaya argagaxa uu ka qaaday dhacdadaas oo hoos u dhigtay dhaqaalaha iyo damiciisa daarihii dheeraa ee uu ku faanayay wixii ka horeeyay 11-kii September sanadkii 2001-dii.