DAAWO:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo fasiraad ka bixiyay safarka Madaxweyne Saciid Deni ee Muqdisho

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa si kulul uga jawaabay qodobadii ay shirkooda jaraa’id uga hadleen Wasiirada dowladda Federaalka uga qeyb galay shirkii Garowe, isagoo caddeeyay in aanay Puntland wax raad ku laheyn qodobadii ka soo baxay Shirweynihii Wadatashiga eedeymaha loogu jeediyay dowladda Federaalka.

Wasiir Dhabancad ayaa ku dhaliilay Wasiirada dowladda Federaalka aanay iska rogi karin eedaha dowladda loogu soo jeediyay ee faragelinta maamul goboleedyada iyo ciidamada lagu daabulayo gobollo nabdoon, iyadoo Muqdisho qaraxyo ka dhacaan, isla markaana kala xiran tahay.

Mr Dhabancad ayaa fasiraad ka bixiyay safarka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku tagayo Muqdisho, isagoo tilmaamay in safarkaas aanu aheyn safar shaqo ama wada hadal uu la galayo dowladda Federaalka.

“Safarka Madaxweynaha Puntland ku tagay Muqdisho ma ahan safar shaqo iyo wada hadal uu la galayo dowladda Federaalka waa safar uu ugu gogol xaarayo gogosha fidsan Garowe iyo inuu madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ku casuumo inay soo ajiibaan shirkaas”ayuu yiri Wasiir Dhabancad.