Dowladda oo fasaxday shaqaalaheeda Coronavirus awgii

0

Dowlada Federaalka oo amartay in shaqaalaha dowlada ku shaqeeyaan guryahooda
Warqad ka soo baxday Wasaarada shaqada iyo Arrimaha bulshada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowlada ay ku shaqeeyaan guryahooda ,marka laga reebo Agaasimayaasha laga bilaabo maanta oo khamiis ah taariiqdana si looga hortago faafista Cudurka Coronavirus.