DAAWO:-Gaalkacyo oo lagu qabtay jaakad loo isticmaalo qaraxyada

0

Ciidamada booliska Gaalkacyo ee Galmudug ayaa soo bandhigay jaakad lagu diyaariyay waxyabaha qarax oo la dhigay mid ka mid ah wadooyinka ku yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Saraakiisha amaanka  ayaa  sheegay in aysan  jirin cid loo soo qabtay qaraxaan oo ay sheegeen la dhigay wadooyinka Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sawiro laga soo qaatay Jaakada qaraxyada lagu soo xiray ayaa muujinaya Jaakad oo taala mid ka mid ah wadooyinka magaalada Gaalkacyo, islamarkaana ciidanka Boolisku ay ku howlanyihiin sidii ay u kala furi lahaayeen.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug G/Dhaxe Qaasim Sheekh Doon Cali Oo la Hadlay Warbaahinta Qaranka Ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Howlgalkaan Lagu Soo Qabtay Jaakadaan Nooca Qaraxyada Loo Isticmaalo .

“waxaan maalmahaan wadnay howl-galo lagu sugayo  Amaanka magaalada inagoo ka sameeyneyna dhamaan xaafadaha sidaa daraadeed waxaa inoo suura gashay inaan gacanta kusoo dhigno  Jaakad Nuuca Qaraxyada loo Isticmaalo oo la dhigay goob luuq ah oo ku taallo xaafaada wadajir ee magaalada Gaalkacayo”

Gudoomiyaha Gobalka Mudug C.Raxmaan Cali Diiriye Isxal oo Isna La Hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Bogaadiyay dadaalka Ciidanka Booliiska ee ku Aadan Sugida Amniga.

“waxaan bogaadinayaa Ciidamada Booliska sida ay u sugayaan Amaanka iyagoo kaashanaya shacabka,sidoo kale waxaan bulshada magaalada ka codsaneynaa inay soo sheegaan cidkasto oo ay u arkaan inay falal amni daro ay kawado