Dwoladda Jabuuti oo xaqijisay in muwadin Spanish ah laga helay Cudurka Corona-Virus

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyey in qofkii uga horeeyey ee qaba cudur Corona-virus laga helay dalkiisa, kaasi oo ah muwaadin u dhashay dalka Spain kana mid ahaa ciidan military oo dalkaasi yimid March 14, 2020.

Bukaankan ayaa lagu karan-tiilayaa Xarun Ciidan oo uu Faransiiska ku leeyahay Djibouti, waxaana warka intaasi ku darayaa in ciidankii kale ee malitariga Spain oo ahaa 32 ruux lagu hayo meel gaar ah oo xaaladooda lagula socdo sida Wasaaaradda Arrimaha Dibadda iyo tan Caafimaadka Djibouti ay ku waramayaan.

Cudurka Corona-virus(COVID-19) ayaa dunida oo idil ku fidaya maalinba maalinta ka dambeysa, kuna beeray cabsi badan, waxa uuna soo ritay dad ka badan 200,000 oo qof.