Dowladda oo sheegtay in xubno Shabaab ah lagu dilay shabeellada hoose

0

Kadib markii shalay  ay la wareegeen gacan kuhaynta deegaanka  Janaale gobolka shabeelada hoose ciidamadda xoogga dalka ayaa halkaasi waxaa ay ku dileen labo sarkaal iyo afar dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Siciid dheere oo ahaa sarkaal Al_Shabaab u qaabilsanaa  degaanka Ceel-saliini ilaa Janaale, halka kan labaadna lagu magacaabi jiray  Bukhaare, waxaa uuna Al-Shabaab isna u qaabilsanaa degaanka Janaale.

Taliyaha Guutada 16aad kumaandooska xoogga dalka ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay dagaalka lagu dilay labo sarkaal iyo afar dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga ayaa saakay waxaa ay howlgal miino baaris ah ay ka wadaan xaafadaha deegaanka Janaale ee gobolka shabeellada hoose.