Wararkii ugu dambeeyay ee Garoowe, Wufuud ka Qayb gelaysa Shirka uu DENI ku baaqay iyo Amniga oo la adkeeyay

0

Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal Siwayn looga dareemayaa Qaban-Qaabadii ugu dambaysay ee Shirka  Madaxwaynaha Puntland uu ku baaqay, Waxaana siwayn loo Adkeeyay Ammaanka magaalada, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Garoowe.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirweynaha Puntland ayaa ka socota magaalada Garoowe,Waxaana lagu wadaa inuu i rasmi ah u furmo maanta beri ah 15-ka bisha Maarso, 2020.

Shirka oo ah mid wadatashi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya saamileyda Siyaasadda  Puntland, waxgarad, Qurbajoog Iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Waxaa dhowaan soo gaadhay magaalada Garoowe Madaxwaynihii Hore ee Puntlan Cabdiwali Cali Gaas , Waxaa sidoo kale ku sugan  Cabdiraxmaan Faroole iyo Saasiyiin kale oo ka Qayb geli doona Shirkaasi.

Waxaa maalintii shalay magaalada Garoowe Sidoo kale soo gaadhay Wafdi Balaadhan oo ka yimid Magaalada Muqdisho,  Kuwaasi oo uu Hogaaminayey Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,  waxayna Xildhibaanada iyo Wasiiradda uu Hogaaminayey ka Qayb geli doonaa Shirka lagu wado inuu ka Furmo magaalada Garoowe.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in shirka lagu miisaami doono doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya, Wuxuuna wuxuuna Shirku ku soo aadaya, iyadoo haatan khilaaf xoogan oo u dhexeeyo Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, Waxaana isha lagu hayaa Go’aanada kasoo bixi doona Shirkaasi Hadii Alle idmo.