Wade Mooto Bajaaj oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0

Wararka aan ka helayno Xaafadda Seybiyaano Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxa ay sheegayaan in goordhaw lagu dilay Wade Bajaaj, waxaana dilka geystay qof saarnaa Gaari nuuca Raaxada ah.

Goobjoogayaal waxa ay sheegeen in ay murmeen Wadaha iyo Ninka dilka u geystay, kadib markii ay isku qabteen isticmaalka wadada.

Mootada waxa ay hor taagneed Gaari nuuca Raaxada ah, gaar ahaan (Toyota Corolla Allion), wadaha gaariga ayaa soo degay, waxa uu lasoo baxay Bastoolad, muran kooban kadib waxa uu ku dhuftay xabad oo ugu dambeyn u geeriyooday wadaha Mootada” Sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay qof kamid ah dadka deegaanka.

Wadaha dilka geystay ayaa goobta isaga tagay, waxaana kolkii dambe goobta laga qaaday meydka darawalka Mooto Bajaajka.

Ma jiro war kasoo baxay Hay’adaha ammaanka Dowladda iyo Maamulka Degmada Hodan oo dhacda dilkaan ah ka dhacday, lamana garan qofka dilka geystay sida ay ku warrameen Goobjoogayaasha.