Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ku saabsan ka hor taga caabuqa halista ah ee Coronavirus.

Madaxwayne Trump ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu diyaarinayo lacag kabadan $50 bilyan oo doolar oo wax looga qabanayo feyraskan.

Gudaha Mareykanka waxaa laxaqiijiyay in caabuqan uu haleelay in kabadan 1,700 oo ruux halka ay u dhinteen 40 ruux.

Dhawr gobol oo Mareykanka ah ayaa goor sii horeesay qaaday talaabooyin ay kaga hor tagayaan xanuunkan iyagoona mamnuucay in la’iskugu yimaado goobaha dadwaynaha.

Talaabadan uu qaaday madaxwaynaha Mareykanka ee xaalada deg dega ah ayaana imaaneeso xilli dhawaanahan lagu eedeenayay in uu ka gaabiyay wax ka qabashada caabuqan saf mareenka ah ee Coronavirus.