Madaxda Uganda iyo Ethiopia oo kawada hadlay Arrimo ay kamid yihiin joogitaanka Ciidamada AMISOM

0

Magaalada Kampala Caasimadda dalka Uganda waxaa kulan ku yeeshay Madaxweyneyaasha Uganda iyo Ethiopia Yoweri Museveni iyo Sahle-Work Zewde, waxaana ay kawada hadleen Muranka Webiga nile iyo Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamada dalalkaan ka socda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Kulanka labada madaxweyne waxa ay ku falanqeeyeen ka sokoow Xaaladda Webiga Nile, qorshaha joogitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya oo waqti dheer uu qaatay howlgalkooda.

Yoweri Museveni iyo Sahle-Work Zewde waxa ay isla gorfeeyeen sidii ay baaqi gudaha Soomaaliya ay ugu sii ahaan lahaayeen Ciidamada AMISOM illaa inta isbadal muuqdo uu ku imaanayo xaaladda dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka Madaxweynayaasha Uganda iyo Ethiopia waxaa lagu sheegeen in ay isla garteen labada Madax dhammaan dhinacyadii ay kawada hadleen, isla markaana waxa ay soo jeediyeen in laga fogaado colaad ka dhalata muranka Webiga Nile.

Sidoo kale waxa ay is tuseen in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya uu isbadal ku socdo, sidaas awgeed waxa ay ku baaqeen in askarta Afrika ay baaqi kusii ahaadaan Gudaha Soomaaliya.

“Hadii ay meesha ka baxaan ciidamada taageeraya Dowladda waxa ay caqabad ku noqoneysaa doorashooyinka soo aadan” sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay kulanka Madaxweynayaasha Uganda iyo Ethiopia.

Madaxdaan kulantay waxaa dalalkooda Soomaaliya ka joogo Askar ku howlgasha AMISOM, waana askartii ugu horeysay ee dalka soo gasho, Itoobiya waxa ay Soomaaliya kusoo gashay garabsiinta Dowladii KMG ahayd ee lagu soo dhisay Kenya sanadkii 2004-tii, halka Uganda ay noqotay Dowladii ugu horeysay ee ku yaboohdo Ciidamada AMISOM sanadkii 2007-dii.

Uganda waa dalka ugu badan ee Askartiisa ay joogto Soomaaliya, waxaana ay Kenya iyo Itoobiya kaga duwan tahay Soomaaliya lama wadaagto Xuduud, askartooda waxa ay ku kala howlgalaan AMISOM iyo ilaalada Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.