Kulan uu shir guddoomiyey MW QoorQoor oo ka dhacay Dhuusamareeb

0

Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay shirka golaha amniga maamul goboleedka Galmudug, waxaana diiradda lagu saaray shirkaas amniga guud ahaan deeganada maamulka, waxaana shir guddoomiyey Madaxweyna Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Sidoo kale shirkaas ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan xubnaha golaha amniga maamulka Galmudug, waxaana laga dhegaystay warbixin ku saabsan  qorshahooda  dhanka ammaanka.

Waxaa shirkaas soo qaban qaabiyey xafiiska amniga maamulka Galmudug, waxaana qodobada looga hadlay kamid ahaa, dardargelinta siyaasadda amniga maamulka, fulinta qorshaha howleedka guud ee amniga dalka iyo xoreynta degaanada ay maamulaan ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa saraakiisha ciidamada ee kasoo qeyb galay shirkaas waxa uu faray in ay dardargeliyaan howlaha ammaanka magaalada Dhuusamareeb iyo guud ahaan degaanada kale ee Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan ay ka dhacdo munaasabadda caleema saarka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxaana shalay gaaray guddoomiyaha guddiga loo xilsaaray qabanqaabada munaasabadda caleema saarka madaxda Galmudug Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga.

Xafladda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan madax kala duwan oo ka kala socda dowladda dhexe maamul goboleedyada iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed, iyadoo xubnaha guddiga laga sugayo in ay shaaciyaan waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso xafladaas.