Culimada Soomaaliyeed oo shaaciyey in Coronavirus horay loogu sheegay diinta Islaamka

0

Tan bishii December ee sanadkii hore waxaa dunida fara ba’an ku haya hargabka coronavirus, kaas oo ka dilaacay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan, waxuuna sababay caabuqaas in uu hakad geliyo isku socodka dunida oo dhan.

Hadaba iyada oo dhakhaatiirka caalamka ay la yaabanyihiin nuuca hargabkan iyo waxa uu ka dhashay ayaa culimada Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in cudurkaan uu Ilaahey ku sheegay Qur’aanka Kariimka, kadib taxliilin iyo baaris ay ku sameeyeen Qur’aanka Kariimkana, sidaas ku ogaadeen.

Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka mida Culimada ugu caansan magaalada Hargeysa ayaa waxa uu shegay in xanuunkaan lagu saliday Muuse Saamiri xilligii Nabiyolaahi Muuse, kadib markii dadka kufri iyo gaalnimo ugu yeeray, waxuuna Alle ka baryey Sheekhu in dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Islaamka uu ka badbaadiyo xanuunkan.

Sidoo kale Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo isna ka mida Culima’udiinka Soomaliyeed ayaa shegay in cudurkasta oo maanta dunida ka jira gaar ahaan kuwa ka dilaaca dalalka aan Islaamka aheyn Qur’aanka Kariimka horay loogu sheegay.

Sheekh Cabdi Xayi ayaa intaas ku daray in dadka ay haleelaan cudurradaas laga abaalmarinayo dambiyada ay galeen, gaar ahaan kuwa Alle ku caasiyey.

Cudurkaan ayaa hada kisaskii ugu dambiyey waxaa laga helay dalalka deriska la’ah Soomaaliya, sida Kenya iyo Ethobia.