Ciidamadda Dowladdda oo Weerar Ku ah Shabaabka Ku Sugan Mahadaay

0

Ciidamadda malatariga Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaayo ciidan kawada deegaano hoos taga Degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Maamulka Hir-shabeelle.

Degmadda Mahadaay waxaa shalay la wareegay Ciidamadda Al-shabaab kadib markii weerar qorshaysan ay ku Qaadeen Degmadaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ciidamadda Malatariga Dowlada Soomaaliya, ay dhaqdhaqaayo ciidan ay kawadaan Deegaano hoos yimaada Degmadda Mahadaay,islamarkaana qorshahooda uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmadaas oo Shabaab ay qabsadeen.

Al-shabaab ayaa dagaal culus ku qaaday Degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin Ciidamadda Dowladd Goboleedka Hir-shabeelle, iyo kuwa midowga Afrika AMISOM.

Dagaalka labada dhinac ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana Shabaab u suurta-gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta saldhigga Mahadaay.

Sidoo kale Ciidamada Xarakadda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidanka Uganda ee heysta degmada Awdheegle iyo kuwa DFS ee ay iyagu geeyeen Bariire iyo Sabiid.