AKHRISO:- Waqtiga Caleema saarka Madaxweyne Qoor Qoor oo la shaaciyay

0

Gudoomiyaha Guddiga qaban qaabadda Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Yuusuf Garaad Cumar ayaa shaaciyay xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso Xafladda Caleemasaarka.

Waxaa uu sheegay wadatashiyo kala duwan oo ay sameeyeen in ay ugu dambeyntii go’aansadeen in Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa la qabto 26-ka Bishaan.

“Wadatashi Madaxtooyada Galmudug ka dib, Guddiga qabanqaabadu wuxuu go’aansaday in xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku Xigeenku ay ka dhacdo Dhuusa Marreeb, Khamiis 26-ka Maarso 2020” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Waxaa lagu waddaa in Xafladda Caleema saarka ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sareysa Soomaaliya iyo sidoo kale Wafuud kala duwan oo lagu casuumay.