AKHRISO:- Qoor Qoor oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga Galmudug

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xalay shir gudoomiyey shirka Golaha Amniga Galmudug.

Kulankii 8aad ee shirka Golaha amniga waxaa kasoo qayb galay dhammaan xubnaha Golaha, waxaana laga dhagaystay warbixin ku saabsan qorshahooda dhanka amniga iyo siyaasadaha gacan siiya amniga.

Shirkaan ayaa waxaa soo agaasimey xafiiska Amniga Galmudug.

Shirkaan ayaa waxaa looga dooday qodobo aad u muhiim ah oo ay kamid yihiin.

1. Dardargelinta siyaasada amniga Galmudug.
2. Fulinta qorsha hawleedka guud ee amniga dalka.
3. Xoreynta deegamada ay haystaan Al-Shabaab.

Kulankaan ayaa ah Midkii ugu horeeyay ee dhexmara Golaha Amniga Galmudug iyo Madaxweynaha maamulkaasi Qoor Qoor ee dhawaan la doortay.