AKHRISO:- Puntland oo mamnuucday Dharka Huudheyda si looga hortaggo CoronaVirus

0

Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse Taliyaha Ciidanka Booliiska maamulka Puntland oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa shaaciyay in degaannada Puntland laga mamnuucay dharka loo yaqaan Huudheyda ee horay loo soo isticmaalay.

Waxaa uu sheegay in ay tallaabo ka qaadaan Ciidanka Booliska cid kasta oo xuduudaha Puntland soo gelisa dharka Huudheyda ah, islamarkaana ay gubaan haddii dharkaas ay gacanta ku dhigaan.

Dharka Hudheyda ayuu sheegay in laga keeno dalalka debadda ah, xilli uu dunida ku sii faafayo cudurka CoronaVirus.

Puntland ayuu sheegay in ay heegan ku jirto si looga hortaggo Caabuqa Corono ee dunidda sidda weyn u sameeyay.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in uu hadda jiro in kabadan 118,000 kiis oo COVID-19, cudurka uu sababay fayrasku, 116 dal oo adduunka ah.

Bariga Afrika Kiisaskii ugu horeeyay ee Corono Virus ayaa laga xaqiijiyay dalalka Itoobiya iyo Kenya.