AKHRISO:- Puntland oo ku baaqday Shir deg deg ah oo looga hadlaayo Caabuqa Corona virus

0

Maamul goboleedka Puntland ayaa dowlada dhexe ee Soomaaliya ugu baaqday Shir deg deg ah oo looga hadlaayo sidii looga hortagi lahaa Caabuqa Corona Virus oo si weyn dunida ugu faafay.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay in aysan muuqan dadaal ay waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ku aadan sidii looga hortagi lahaa Caabuqa.

Waxaa uu sheegay in ay la xariireen Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal laakiin aysan ka helin wali wax jawaab ah oo ku aadan sidii looga taageeri lahaa Puntland sidii looga hortagi lahaa Cudurka.

Wasiirka waxaa uu ugu baaqay dowlad goboleedka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay isku yimaadaan Shir deg deg ah oo looga hadlaayo Caabuqa iyo sidii loo sameyn lahaa Iskaashi buuxa.

Kisas cusub oo Cudurka ah ayaa looga dhawaaqay 24 kii saac ee lasoo dhaafay dalalka Kenya, Itoobiya, Suudaan, Mauritania, Eswatini iyo Guinea.

In ka badan 118,000 kiis oo COVID-19, ayaa dunida laga diwaan galiyay waxaa uu gaaray 120 oo caalamka ah.