AKHRISO:- Dastuurka Galmudug oo laga saaray Qodob Xildhibaanka u diidayay in uu noqdo Wasiir

0

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa ay ansixiyeen in xildhibaanka uu noqon karo wasiir ka tirsan xukuumada Galmudug.

Ku dhawaad 56 mudane ayaa meel marayay mooshinka ay soo gudbiyeen xildhibaano kor u dhaafaya 20 mudane.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inta mudane ee ansixisay mooshinka.

Waxaana uu sheegay in dhammaan Xildhibaanadii soo xaadiray kulanka ay u codeeyeen in meesha laga saaro qodobka Xildhibaanada ka hor istaagaya in ay noqdaan Wasiiro.

Tilaabadan ayaa waxaa ay saameyn ku yeelan doontaa dadka doonayay in wasiiro ka noqdaan xukuumada madaxweyne Qoor qoor