Wasiirka Gaashaandhiga oo Faahfaahin ka bixiyay ciidamada ay dowladda geysay Gedo

0

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa ka hadlay ciidamada ay dhawaan dowladda Somalia geysay gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Federaalka uu waajib ka saaran yahay in markasto ciidamo la geyn karo gobolada dalka, islamarkaana waxaa uu xusay in ciidamada loogu tala galay sidii ay sugi lahaayeen xuduudaha, bada, cirka iyo dhulka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhiga ayaa waxaa meesha ka saaray in xiligan cadaadis badan ay la kulmayso dowladda federaalka Somalia, kaasi oo ku aadan in ciidamada la geeyay gobolka Gedo laga saaro, isagoona sheegay in dalka uu madax banaan yahay, islamarkaana aan cadaadis la saari Karin.

Gobolka Gedo ayaa haatan waxaa ka taagan xiisad u dhexeysa ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland.