Kenya oo Cabsi ka qabta in weerar uu markale ka dhaco Mandhere

0

Dowladda Kenya ayaa cabsi ka qabta in Al-shabaab ay markale weeraro ka geystaan Degmooyinka Mandheera iyo Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka kenya, kadib markii weerar khasaare geystay uu ka dhacay Mandheera, kaas oo ay Mas’uuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab.

Amaanka guud ee wadada isku xirta Degmooyinka Mandheera iyo Wajeer ayaa si wayn loo adkeeyay si loogaga hortago weeraro ay Alshabaab la beegsadaan dadka aan u dhalan Deegaanka.

Saraakiisha ciidanka booliska Kenya , ayaa sheegay in Ciidamo Boliis ah oo aad u  badan loo daad gureeyay goobaha muhiimka ah ee wadadaasi.

Waxaa ayna sheegeen  in Ciidamadaasi ay gaaf wareegi doonaan aaga wadada iyadoo tiro Ciidamo ah lagu balaarin doono wadadaasi si sare loogu qaado Amaankeeda