Jabuuti oo ka hadashay Hubkii ay Qabatay Itoobiya ee laga dejiyey Dekedda Jabuuti

0

Abuubakar Cumar Xadiye Madaxa Marsooyinka Jabuuti ayaa ka hadlay eedeyn kaga timid sirdoonka Itoobiya oo la xiriirta in kunteenaro hub ah ay qabteen laga soo deijiyay Dekedda dalkaas.

Xadiye waxa uu sheegay in aysan qaadeyn mas’uuliyadda hubkaas la qabtay, sababta waxa uu ku sheegay muddo labadaas kunteenar ay yaalleen Dekedda Jabuuti, kadib markii laga shubay lacagaha canshuurta ah ee ku waajibtay.

Waxa uu sheegay in uu la xiriiray Rooba oo ah madaxa Itoobiya u qaabilsan badeecadaha laga soo jediyo dekedaha, isla markaana uu kala hadlay arrimahaan.

Dowladda Itoobiya ayuu tilmaamay in ay Dowladda Jabuuti ay ka dalbato in loosoo fasaxo badeecadaha kolka maraakiibta iyo doomaha ay kusoo xirtaan Marsada Jabuuti, loona fududeeyo.

Maalin waliba waxa uu sheegay in ay gudbaan boqolaal kunteenar oo badeecado geeya Itoobiya, balse aysan heyn lambarka aqoonsiga labada kunteenar ee hubka waday ee ay sheegeen sirdoonka in ay qabteen.

Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Itoobiya (NISS) ayaa 11-kii bishaan sheegtay in ay qabteen Hubkaan oo si sharci darro ah looga keenay Turkiga, isla markaana laga soo dejiyay Dekedda Jabuuti, laguna qabtay Gudaha Itoobiya.