Howlgal lagu diley dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab gobolka Waqoyi Bari Kenya

0

Lix ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu diley mid kalana waa lagu qabtay deegaanka Jirole ee degmada Garissa.

Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Waqoyi Bari Nicholas Ndalana ayaa sheegay in ciidamo gaar ah ay dileen lix ka mid ah Al-Shabaab mid kalana waa la qabtay isagoo nool.

“Ciidamada gaarka ah ayaa u suurtogashay inay qabtaan dagaalame iskahorimaadkan ku dhaawacmay ,waana la daweynayaa isagoo gacan ka geysan doona baaritaan.”ayuu yiri Mr Ndalana.

“Waxa aan ka shakisanahay in mid kale uu baxsaday isagoo dhaawac ah waana soo qabanaynaa,” ayuu sii raaciyay.

Deegaanka uu howlgalkan ka dhacay ayaa la sheegay in ciidamo badan ay ku sugan yihiin uuna sii socdo baaritaano laga wado.