Ethiopia oo xaqiijisay qofkii ugu horeeyay oo laga helay cudurka Coronovirus

0

Dowlada Ethiopia ayaa xaqiijisay in bukaankii ugu horeeyay ee laga helo cudurka Coronoviruska lagu arkay dalka Ethiopia.

Duqa magaalada Addis Ababa Takele Uma Banti ayaa bartiisa Twitterka ah waxa uu ku daabacay in qofka laga helay cudurkan uu ka soo jeedo dalka Japan.

Duqa Addis Ababa ayaa ku taliyay in lajoojiyo kulamada iyo isa salaamida.
Waa dalkii labaad oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika oo laga helo dad qaba cudurka Coronoviruska.

Dowlada Kenya ayaa hore u shaacisay in qof qaba cudurkan laga helay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Cudurkan ayaa waxaa saameyn ku yeeshay horyaalada ciyaaraha gaar ahaan wadamada qaarada Yurub, tartanka horyaalka Ingiriiska ayaa la hakiyay tan iyo bilowga bisha April sidoo kale hore ayaa horyaalada Talyaaniga iyo spain loo hakiyay.

Cudurkan ayaa ku sii fidaya dalal badan oo caalamka ka mid ah waxaana u dhintey dad kabadan saddex kun oo ruux iyadoo dad kabadan boqol kun oo ruuxna uu ku dhacay.