DHAGEYSO:-Cabdi Weli Gaas oo walaac ka muujiyay doorashada Soomaaliya ee 2020/21

0

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu  walaac xooggan ka muujiyay doorashada Soomaaliya ee la filayo in sanadka  2021 ka dhacdo dalka, isagoo sheegay inaysan xiligan  u muuqan in ay doorasho ka dhacdo dalka.

Cabdi Weli Gaas  ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya haddii aysan 2021 qaban karin doorasho qof iyo cod ah in talo guud la isugu yimaado oo laga tashado haddii nidaamkii hore dib loogu laabanayo iyo in kale.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland CabdI Weli Gaas ayaa waxaa uu sheegay in xiligan  dowladda Federaalka laga doonayo in ay qaado tilaabo ay ku dhici karto doorasho xalaal ah, isagoona ka digay in musuq maasuq lagu sameeyo doorashada 2021-ka