Dalka Kenya oo laga helay kiiskii ugu horreeyay ee CORONA iyo Sucuudiga Fatwo kasoo saaray Salaada Jimcaha

0

Wasiirka caafimaadka ee dalka Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa goor dhaweyd shaaciyay in qof qaba xanuunka Corona laga helay dalkiisa.

Haweeneyda cudurka lagu arkay ayaa la sheegay inay ka timid Maraykanka, soona martay London.

Wasiirka ayaa sheegay in haweeneyda ay hadda xaaladeeda caafimaad wanaagsan tahay, laguna sii heyn doono cisbitaalka ilaa iyo inta ay ka caafimaadeyso.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dabagal ku samayn doonto dhammaan dadkii la kulmay haweeneydaasi tan iyo markii ay soo laabatay.

Dhinaca kale Golaha sare ee culimada Sacuudi Carabiya ayaa fatwooday in dadka qaba fayraska Corona ay mamnuuc ka tahay Saaladda Jimcaha iyo inay xaadiraan masaajidda, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Saudi Press Agency.

Culimada oo kulan ka yeeshay xanuunkan saf-marka noqday ee Corona ayaa sheegay inay qasab tahay in Muslimiinta ay u hogaansamaan tallaabooyinka ay fulinayaan dowladaha, si loo xakameeyo faafidda cudurkaasi dilaaga ah.