AKHRISO:- Ra’iisul Wasaaraha Canada oo Karantiil galay kadib markii xaaskiisa looga shakiyay cudurka Coronovirus

0

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa karantiil iskiis ah isgaliyay kadib markii xaaskiisa Sophie Trudeau lagu arkay calaamado xumad ah iyadoo ka soo laabatay dalka Ingiriiska.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Canada ayaa laga soo xigtey in Sophie Gregoire Trudeau oo ah xaaska ra’iisul wasaaraha lagu arkay xumad gelinkii dambe ee Arbacadii kadib markii ay ka qeybgashay xaflad aroos ah oo ka dhacaysay magaalada London.

“Si deg-deg ah ayay talooyin caafimaad u raadsatay,waana laga baaray COVID-19 virus.”ayaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

“Iyada ayaana dooratay in ay is karantiisho oo guriga ku sugnaato qandhadana way ka soo wanaagsanaanaysaa,”ayaa la sii raaciyay.

Dhakhaatiirta ayaa kula talisay ra’iisul wasaare Trudeau in howl maalmeedkiisa si caadi ah isaga wato inta uu ku jiro karantiilka gurigiisa. Balse ra’iisul wasaaraha ayaa door bidey inuu guriga ku nagaado illaa laga helayo natiijada baaritaanka xaaskiisa ee cudurka Coronaha.

Dalka Canada ayaa lagu arkay illaa boqol ruux oo qabta cudurkan iyadoo 42 ruux laga helay Ontario,46 kalana British Columbia, Siddeedna Quebec halka 19 kalana laga helay Alberta.

Inkabadan 4,600 oo ruux ayaa u dhintay cudurkan halka caalamka oo dhana laga helay dad gaaraya 126,000 balse 68,000 oo uu cudurkan ku dhacay ayaa ka bogsaday.