AKHRISO:- Dowladda Turkiga oo ku dhawaaqday go,aamo looga horragayo Corona virus

0

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dowladda go’aan ku gaartay laga billaabo 16bishan la fasaxayo muddo sedex todobaad ah Iskuullada iyo Jaamacadaha Turkiga.

Dowladda waxa ay sheegtay in ay soo rogeyso Xaalad deg deg ah.

Waxa ay sheegtay in tilaaban looga dan leeyahay ka hortagga faafidda caabuqa Coronavirus.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo caalami ah.

WHO ayaa in muddo ah isha ku heysay dhaq-dhaqaaqa cudurkan.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa shalay ku dhawaaqay in uu hadda jiro in kabadan 118,000 kiis oo COVID-19, cudurka uu sababay fayrasku, 114 dal oo adduunka ah.