AKHRISO:- Dood ka taagan soo jeedin ay sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug

0

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dood adag ka yeeshay gudoonka gollaha u gudbiyay soo jeedin ay Ku codsanayaan in la meel mariyo wax ka badalka qodobka 30-aad ee Dastuurka Galmudug oo dhigaya xubin Baarlamaanka ka mid ah in aysan qayb ka noqon Karin Gollaha Wasiirada .

Xildhibaanno ka badan 20 Mudane ayaa qaba in Xildhibaanada aysan ka mid noqon Golaha Wasiiradda.

Waxaa jira Xildhibaanno badan oo kasoo horjeedda tilaabadda looga hor istaagayo in ay ka mid noqdaan Wasiiradda.

Kulanka oo ay xaadireen 48-mudane waxaa shir gudoonshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal iyo Ku xigeenka Labaad Faadumo Faandhe iyadoo xildhibaanada Dooda ka hadley oo aad ugu kala aragti fogaa soo jeedintan wax ka badalka Dastuurka uu mid walbaa cuskadey qodobo uu Ku tusaaleynayay Xubnaha gollaha , maalinta sabtida ayaa lafilayaa in golluhu codka u qaado soo jeedintan .