Maxkamada ciidamada oo xukun ku riday nin dil u geystay askari ka tirsan ilaalada deegaanka Xamar.

0

Maxkamada derajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo khamiis ah waxaa ay xukun ku riday Maxamed Cali Maxamed oo lagu eedeeyay inuu dil u geystay askari ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Cali Maxamed ayaa loo haystaa dilka Askari ka tirsanaa ilaalada deegaanka Xamar iyo inuu ka mid ahaa kooxda Daacish.

Guddooomiyaha maxkamada Derajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu go’aamiyay xukunka waxaa uuna sheegay in Maxamed Cali Maxamed loogu xukumay dil toogasho ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in  cidii aan ku qanacsaneen  xukunka uu u furan yahay racfaan.