Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle oo tababar u soo xirey dufcada 3aad ee ciidamada Booliska Hirshabelle

0

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ahna Madaxweyne ku xigeen Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta tababar u xirey ciidamo Boolis ah oo tababar ugu soo dhamaaday dugsiga tababarka Boliiska Hirshabelle ee magaalada Jowhar.

Ciidamada tababarka loo soo xirey oo isugu jira rag iyo dumar ayaa laga soo kala xulay degmooyinka labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabelle Col Xasan Dhicisow Xasan ayaa ka warbixiyay tababarka ay qaateen ciidamadan isagoo xusay inay ciidamadan diyaar u yihiin inay bulshadooda u adeegaan.

“Ciidamadan waa dufcadii 3aad kuwaasoo soo bandhigey gaada-ka-cayaar waxayna qaateen tababar saddex bilood ah, waxaana laga soo kala xulay labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.”ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabelle Col Xasan Dhicisow.

Wasiirka Amniga Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo tababarka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay farxad u tahay in qorshihii ahaa in tababar la siiyo illaa siddeed boqol oo ciidamo boolis ah lagu guuleystey inay qaataan lix boqol oo askari.

“Waxaan ku faraxsanahay in dumar laga soo xulay Hirshabelle ay tababarkan dhamaysteen,waxana uu sheegay in ay sii wadi doonaan tababarida ciidamada Booliska Hirshabelle.”

Ugu dambeyntii Kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen oo ka hadlay munaasabada loogu xireyay tababarka ayaa u mahadceliyay dowlada federalka gaar ahaan wasaarada amniga oo qeyb weyn ka qaatay sidii tababar ay u qaadan lahaayeen ciidamadan.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad qeyb libaax ka qaadataan u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee Hirshabelle,tababarkii aad qaadateen oo aad halkan ku soo bandhigteena aad sida uu yahay ugu shaqeysaan.”ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.