Galmudug oo si kulul u eedeysay Puntland

0

Cismaan Ciise Nuur Taar dhuleed afhayeenka maamulka galmudug mar uu hadlay ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabddullahi Deni inuu ku howlanyahay qal qal gelinta amniga maamulla Galmudug, balse loo baahanyahay inuu ka waantoobo arrintaasi.

Afhayeen Taar dhuleed ayaa sheegay in puntland ay isku dayeyso hubeynta madaxda ahlusunna ee Garoowe ku suganaa  ayna u diyaaran yihiin inay difaacaan shacabka reer Galmudug.

Madaxda ugu sarreysa ee ahlusnna ayaa qeybo kamid ah waxa ay ku suganyihiin magaalada Garoowe ee gobalka nugaal halkaasi oo la tilmaamay inay ka wadaan qorsho ka dhan ah maamulka dhowaan loo dhisay dadka reer galmudug, Islamarkaaana ahlusunna madaxdeeda ay iskaga tageen dhuuusamareeb kaddib dagaal dhexmaray ciidamo iyaga ka amarqaata iyo ciidamada dowladda ee dhuusamareeb ku sugan.