Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Mandheere

0

Dagaalamayaal  ka tirsanaa Al-shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaadey Labo Bas oo marayay deegaan ka tirsan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab  ayaa la sheegay in rasaas ay ku hubiyeen labada Bas halkaasi marayay iyadoo uu weerarkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Guddoomiyaha magaalada Mandheere Cali Roobaa ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dad ka afduubteen deegaano hoostaga magaaladaasi, isagoona  xaqiijiyay in Al-shabaab ay weerar ku qaaday labo gaari oo bas ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in cabsi badan ay ka jirto gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa horey waxa ay kaga digtay suurtagalnimada weeraro kaga yimaada dagaalamayaasha Al-Shabaab, xili maalmihii la soo dhaafay heegan buuxa la geliyay ciidamada Kenya.