AKHRISO:- Basaska Mandheera ee Nairobi aada oo maanta la joojiyay

0

Basaska ka baxa magaalada Mandheera ee aadda caasimadda Nairobi ayaa maanta la joojiyay amni darro ka taagan wada ay maraan awgeed.

Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii dabley hubaysan ay ugu yaraan hal qof ku dileen bas marayay meel u dhaw deegaanka Rhamu ee Mandheera.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari kale oo dawo waday jidka loo galay, isla markaana dad lagu dilay.

Booliska ayaa ku amray shirkadaha basaska inay nagaadaan inta laga xaqiijinayo ammaanka wadada.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarro inta badan lagu beegsanayo dadka aan deegaanka u dhalay ka fuliyay deegaanno ka tirsan Mandheera.