Somaliland iyo Midowga Yurub oo gaaray heshiis ku kacaya 7 milyan oo dollar

0

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta heshiis la gaartay ururka Midowga Yurub, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Maroodi-Jeex.

Labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya lacag dhan 7 milyan oo dollar, waxaana laba dhinac u kala xasiixay heshiiskan wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa halkaas ka sheegay in heshiiskaan uu yahay mid muddo laga soo shaqeynayey, isla markaana lagu horumarin doono dhanacyada caddaalada iyo ciidamada.

Mas’uuliyiin ka kala socday golayaasha xukuumadda Somaliland iyo saraakiil ciidan ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu kala saxiixanayey heshiiskaas.

Safiirka MIdowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa sheegay in ururka Midowga Yurub uu kordhin doono mashaariicda uu ka fuliyo deegaanada Somaliland.

Dhankiisa Wasiir Maxamed Kaahin ayaa ururka Midowga Yurub uga mahad celiyey sida uu mar walba u garab taagan yahay xukuumadda Somaliland, isagoo xusay in heshiiskani uu xoojinayo wadashaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac ee Somaliland iyo Midowga Yurub.