Wasiir Bayle ” Haweenka Soomaaliyeed waxa ay kaalin muuqada leh ku leeyihiin isbadalka iyo horumarka dalka”

0

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa fariin uu u diray Haweenka Soomaaliyeed Munaasabadda 8-da Maarso awgeed waxa uu kaga hadlay doorka ay ku leeyihiin isbadalka iyo horumarka dalka.

Wasiir Bayle waxa uu sheegay in Haweenka ay laf dhabar u yihiin howlaha ka socda, isla markaana waqti badan ay ku bixiyeen sidii looga dalka uu maqaam sare u gaari lahaa sida uu hadalka u dhigay.

“Wadanka Soomaaliya waxa aynu ka war-heynaa dhibaatooyin badan in uu soo maray, Haweenku waxa ay door weyn ka qaateen horumarka dalka, waxaana innaga horeeya Mustaqbal wanaagsan, waxa ay isku hayaan bulshada guud, waana Canshuur bixiyaasha” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Waa uu sii hadlay Wasiir Bayle waxa uuna yiri “Dumarka Soomaaliyeed intii ay Raggu dagaalamayeen waxa ay isku hayeen dalka, waxa aan daahsoomeen dadaalka iyo doorka Haweenka, waxa ay ila tahay in la’aanta dumarka aan la hiigsan lahayn horumarka muuqda”

Maanta waxa ay ku beegan tahay 8-da Maarso, waana maalinta loo gooni yeelay Haweenka Adduunka, waxaana inta munaasabadda lagu maamuusayo ay socoto lagu soo bandhigayaa dhibaatooyinka ay la kulmaan, doorka ay bulshada ku leeyihiin iyo hal ku dhigga sanadka.