QORMO:- MUCAARAD MA ORAN KARAA KUWA KA HORYIMID CIIDANKA CIRKA,HARAMCAD,GORGOR IYO DAYNTA LAGA CAFIYAY SOOMAALIYA?

0

Dalkeena Soomaaliya ayaa la daala dhacaayay mudo nus qarni ah,nidaam iyo nabad la aan,ay keentay kadib markii meesha ay kabaxday dawladnimadii oo ay soomaalidu gacmaheeda isaga dumisay. Hadaba markii dal uu galo marxalad aan uugu yeero MAQNAANSHO DAWLO,waxaa ka ratima waxa ay ku sugnayd soomaaliya 27 sanadood.

Maanta dalka soomaaliya waxaa ka dhacay isbadal dhab ah oo taariikhda galay,kadib markii dadka soomaaliyeed doorteen hogaan ka shaqaynaaya danta dalka iyo dadka soomaaliyeed oo wadani ah. Curashadii dawlada hada jirta oo talada dalka hogaamintiisa ku guulaysatay sanadkii 2017 oo la doortay madaxweyne Mudane Muxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la timid nidaam iyo qaab dawladnimo oo kabadalan guud ahaanba wixii dilooday ee la haray dalka soomaaliya mudadaas aadka u dheer.

Waxaan aragnay Madax is ogol oo leh wada shaqayn buuxda oo u naxaaya diintooda,dalkooda iyo dadkooda,uuna tafaxaytay si dhab ah in ay dalkoodan khatarta kusugan samata bixiyaan. Ninwalbaa waa og yahay oo soomaaliyeed iyo aduunkuba halka dalkeenu yiilay markay xukunka qabteen wadaniyiintu.

Maantana waxaan aragnaa madax aamin ah oo wada shaqaynaysa,waxaan aragnay mudo yar gudaheed dib u dhiska ciidankii xooga soomaaliyeed qaybihiisii kala duwanaa,sida ciidanka booliiska ciidanka kumaan dooska ee GORGOR ciidanka Milatariga ee HARAMCAD iyo kuwa nabad sugida oo loo dhisay si tayo leh oo aad u saraysa. Ciidankan waa ciidan qaran oo difaacaaya dalkeena iyo dadkeena difaacaaya sharafkeena iyo soomaalinimadeena iyo dawladnimadeena.

Ciidankeena oo sidan u dhismaana waxay dan u tahay qofkastoo soomaali ah oo hada jooga aduunka iyo caruurteena soomaaliyeed ee dhalan doonta mustaqbalka. waxaa xusid mudan in hada Hogaanka ciidanka cirka ee soomaaliya sareeye guuto MAXAMUUD CALI oo ah taliyaha guud ee ciidanka cirka,ayaa heshiisyo la soogalay dalal dhawr ah oo ay kamid tahay dalka PAKISTAAN ee aan walalaalaha nahay,kuwaas oo ufuri doona tayaynta iyo tababarka ciidanka cirka soomaaliya. tani waxay guul u tahay iyo farxad shacabka soomaaliyeed iyo dawlada soomaaliyeed,waxayna niyad jab u tahay dadka neceb ee cadawga ku ah dadka iyo dalka soomaaliya.

Cadawga soomaaliyeed wuxuu ka naxayaa,ciidankaan dhisanay hadaynu nahay soomaaliya,waxay ka naxayaan soomaaliya waa nabadoobaysaa,waxay ka naxayaan dayntii ayaa laga cafiyay,waxay ka naxayaan lacag shilin soomaali ah oo ay soomaalidu leedahay ayay samaysa nayaan,waxay ka naxayaan dal iyo dawlad jirtay noqon soomaali.

Soomaaliya waa dal hodan ah,dadkiisuna waa isku diin,isku diir,isku dad,isku af,lamana kala qaadi karo.qabyaalada iyo tuugada iyo dhaca iyo xasilooni darada waxaa keenay dawlad la aanta taasoo hada dadkii soomaaliyeed ku baraarugeen oo iska diideen dawlad laan danbe iyo fawdo. qofkastoo soomaali ah waxaa deeqda yaa tahay SOOMAALI,dalkaagu waa kee WAA SOOMAALIYA calankaagu waa kee BULUUGLAHAAS CIRKA U EG EE LEH XIDIGTA CAD. hal caasimad MOGDISHO hal madaxweyne.wakaa miyir qabka iyo dawladnimadu. soomaalidu waa dad fiican oo looga faa iidaystay dawlad la aanta. qof walbaa nabad buu helayaa dalkiisa ayuuna uugu noolaan isagoo luqunta taagaaya oo gob ah.

Waxaan rabnaa in caruurteenu waxbartaan,lahelo booliis shaqeeya gudaha,lahelo difaaca cirka iyo dhulka iyo bada soomaaliyeed oo suga xuduudaheena dhan walba. waxaan rabnaa dhalinta oo shaqo u dareera,dadkeena oo canshuurta bixiya si dalkeena aan u dhisano u hormarino. waxaan ka soo horjeednaa qaran dumis iyo adeegaa shisheeye,waxaan tirtiraynaa shabaab oo sifaynaynaa,waxaan u gaaranaynaa kuwa hortaagan soomaaliya dawladnimadeeda.

DADKA SOOMAALIYEED MAANTA WAA ARKAAN WAXA DALKOODA KA DHACAAYA HADABA ADUUNYADA WAA LA YAQAAN MUCAARAD OO WAA KA JIRAA DUNIDA LAAKIIN MUCAARADKU MAHA MID DAWLADNIMADA IYO QARANIMADA LIDI KU AH OO BURBURIYA,WAA MID WAX TOOSIYA OO DALKIISA KA DIFAACA SHISHEEYAHA IYO CADAWGA.

Nimankaan Qaar kamid ahi ay dalka kasoo noqdeen madaxweynayaal iyo raysal wasaare sida xasan sheekh iyo shariif iyo cabdiwali gaas,ayaa ka horyimid oo diiday in duulaankii qaawanaa iyo fara galintii KENYA ay inagu samaysay,oo waliba inagu soo hubaysay dad soomaaliyeed,aduunkiina inoo qiray oo la canaantay KENYA dulmigay falayso,dawladeena soomaaliyana ay ku dhawaaqday gardarada iyo faragalinta KENAYA, arinkaa u dhaxeeya dalkeena soomaaliya iyo KENAYA way diideen in ay canbaareeyaan bal waxkalaba daayoo nimankaa sheeganaaya mucaaradku!

Waxaa yaab ah hadana in ay sheeganayaan xisbi raba in ay soomaaliya madax ka noqdaan!! markaa waxay caayayaan caqliga dadka soomaaliyeed waana inoo gafayaan oo waxay inala yihiin xoolo ayaad tihiin soomaaliyeey ama shacaboow oo makala garanaysaan siyaasiga iibsanaaya dalkiina ee u shaqeeya shisheeye iyo kan dalka dhisaaya difaacaaya ee wadaniga ah. waxay garab istaageen duulaanka KENYA oo garab siiyeen iyagoo khiyaamay dawladeena iyo dalkeena soomaaliya. kuwani mucaarad maha waa niman dawlado lacag la daba taagan yihiin oo shaqadoodu tahay in ay ka shaqeeyaan isku dirka iyo kala qoqobka umada soomaaliyeed,waa niman lagu lacago siiyo hor istaaga in dalka soomaaliya dawladi ka hana qaado.

Waxay mucaaradeen ciidanka qarankeena,waxayna warqado u qoreen wadamada carabta afrika iyo wadamada reer galbeedka iyo qarmada midoobay oo ay leeyihiin,hala joojiyo hana la burburiyo ciidamada cirka iyo haramcad iyo gorgor!! waxayna sheegeen in ay qabsanayaan hadaan laga hortagin hada kenya iyo ehtiopia. bal hadaba ka warama soomaaliyeey dadka raba in ay mansab dalkeena ka qabtaan ee cadaawadaas dadkeena iyo dalkeena u haya ee ina bahdilaaya. mucaarad miyaan oran karaa dadka noocaan u fakaraaya kuna shaqaynaaya?

Danbiile dil mudan oo khiyaano qaran ku cadahay maha mucaarad iyo wax u dhaw arinkoodana qorshaa ka yaala!

Kuwani waa cadaw soomaaliyeed oo ka sii xun dawladaha shisheeye ee cadaw ku ah jiritaanka soomaaliyeed.waxayna qandaraas iyo doollar ku qaataan is hortaaga ah in dalka soomaaliya aysan ka dhalan dawlad xuduudaha sugta dalkana ku soo dabaasha nabad iyo nolol.kooxdan SHISHEEYE KAL KAAL waxay ku farxaan markay maqlaan shabaab ayaa wax qarxiyay! majiro cadaw ka xun oo dalka soomaaliyeed leeyahay.xaqu waxaa weeye iska celin dhab ah oo wadaniyiinta soomaaliyeed ka imanaysa.mana aha mucaarad siday sheegtaan ee waa ku gabanayaan shaqo kale ayay hayaan. wadan aan dadka noocaan oo kale ah oo dhexdiisa ku jira iska nadiifin ma gaaro hormar iyo dawladnimo hana qaada.shalay dawlada IIRAAN waxay dishay nin madax sare dalka ka ahaa oo la ogaaday in uu ahaa SHISHEEYE KAL KAAL u adeega dawlado kale isagoo khiyaamaya dadka iyo dalka iyo dawlada IIRAAN ee uu u dhashay. sidaasa dal walbaa isaga nadiifiyaa cadawga gudaha.Makula tahay in nimankaan hada hotelkaa quruxda badan ee qaaliga ah isugu tagay ee intaas oo kharash ahi ku baxday in ay ka bixinayaan jeebkooda!!? mise waxaa jirta cid kadanbaysa oo halkaa isugu gaysay bixisayna tigidhadooda diyaarada,waxay ku joogaan meesha ileen waa kharash ee iyo hotelka?

Rag kamid ah waa lahayaa fariimaha kusoo dhacay taleefanadooda cida tigidhada usoo dirtay lacag la aanta ah! xogo kalana waa jiraan dhexdooda laga hayo.waxaase hoogay nin hagraday dhulkiisa.