DHAGEYSO:-C/qaasim Salaad oo ku tilmaamay dagaalada ka socda Gobolka Gedo dagaal sokeeye

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisada ka taagan gobolka Gedo ee u dhexeyso dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbalanad.

Cabdiqaasim Salaad ayaa sheegay in inta badan dagaallada ka socda gobollada dalka ay yihiin kuwo sokeeye, isla markaana dadka diriraya ay yihiin walaalo. Isagoo Alle uga rajeyey umadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Gedo uu ka qaboojiyo dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanada gobolkaas.

“Dowladda waxaa looga baahan yahay in wixii dagaalamaya ay dhexdhexaadiso wixii khilaafaad ah oo jirana nabad lagu dhameeyo, in ay ka shaqeyso waxaana hubaa inay ka shaqeyneyso arrimahaas”ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad.