AKHRISO:- Hoggaamiyeyaasha Soomaalida Kenya Oo Fariin Diray

0

Guddooomiyaha Gobalka Waqoori ee Bari dalka Kenya Cali Roobow oo warbaahinta kual hadlay Magaaladda Nairobi waxa uu sheegay inay Ciiddanka weli ilaalo ku marayaan xuduudka Magaaladda Mandheera.

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Kenya inay ciyaarto doorka ay u leedahay badbaadinta Muwaadiniinteeda, wuxuuna xusay inay Meesha ka maqan tahay micnaha muhiimka ee booqashada Madaxda Ammaanka iyo Hoggaamiyayaasha.

Cali Roobow waxa kale oo uu soo hadal qaaday Khilaafka u dhexeeysa Saraakiisha DF iyo Jubbaland, isagoo xusay inay ciidanka labada dhinac isku adeegsadeen Hubka culus dagaalkii Isniintii hore ku dhex maray gudaha xuduudka keenya, waa sida uu hadalku u dhigay.

Dhinaca kale, Guddooomiyaha Gobalka W/Bari ee dalka Kenya, Cali Roobow waxa uu ku eedeeyey Dowladda Kenyaa inaysan kaalinteeda ka qaadanin xiisaddaasi, wuxuuna ugu baaqay in si dhaqsada badan Ciiddanka Soomaalida ee Jubbaland looga saaro gudaha Kenya.

Mar uu ka hadlayey Dagaalkii dhex maray Ciiddanka DFS iyo kuwa Jubbaland waxa uu xusay inay 12 qof ku dhaawacmeen dagaalkaasi, iyadoo mid ka mid ah uu dhaawicii soo gaaray ugu geeriyooday Isbitaalka Mandhera.

Hadalka Guddooomiyaha Gobalka W/Bari ee W/Bari Kenya, Cali Roobow waxa uu ku soo beegmayaa, iyadoo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatrta soo saaray Hadal-qoraal oo uu kaga codsaday Ciidanka Somalia inay joojiyaan colaadda aan loo baahnayn oo ka dhaca xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.