Xubno ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga oo xabsiga loo taxaabay

0

Illaa seddax xubnood oo ka tirsan boqortooyada Sucuudiga ayaa lagu soo waramayaa in la xiray, waxaana mas’uuliyiinta la xiray ka mid ah boqorka Sucuudiga walaalkiis.

Sida ay warisay warbaahinta dalka Mareykanka, weli lama cadeyn sababaha rasmiga ah ee loo xiray mas’uuliyiintan.

Labo ka mid ah xubnaha la xiray ayaa la sheegay in ay saameen xoog leh ku leeyihiin boqortooyada, iyadoona xarigooda lala xariirinayo dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Sanadkii 2017-kii ayey aheyd markii tobonaan ka mid ah xubnaha ugu cad-cad boqortooyada oo ay ku jireen wasiirro iyo ganacsato lagu xiray Hotel ku yaalla magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga, kadib amar kasoo baxay dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan.